calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Ciyaaraha

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay 17-sano oo galabta sameynaya taariikh cusub

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay 17-sano oo galabta sameynaya taariikh cusub
Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay 17-sano oo galabta sameynaya taariikh cusub — SONNA
Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa galabta sameynaya taariikh cusub, maadaama ay markii ugu horreysay abid Soomaaliya ku matalayaan tartan rasmi ah oo kubadda cagta ah. Gabdhaha Ocean Stars ayaa kulanka furitaanka tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee Haweenka galabta magaalada Dar es Salaam kula ciyaaraya martigeliyeyaasha tartanka ee Tanzania, iyagoo ku jira Group A, halkaas oo ay sidoo kale kula jiraan xulalka Kenya iyo Sudan. Ka qaybgalka tartankan ayaa astaan u ah horumarka ay sameyneyso kubadda cagta haweenka Soomaaliyeed iyo dadaallada wadajirka ah ee ay wadaan Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, si loo dhiirrigeliyo ka qaybgalka gabdhaha ee ciyaaraha.  
La wadaag