Wararka
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqasho Shaqo ku Tagaya Dalka Uganda

Xayeysiis
Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho shaqo oo hal maalin ah ku tagaya dalka Uganda, halkaas oo uu kulan kula yeelan doono dhiggiisa dalkaas, Madaxweyne Yoweri Museveni.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlaya xoojinta xiriirka labada dal, amniga Gobolka, Dhaqaalaha, arrimaha AUSSOM iyo qorshaha kala guurka ah ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ay kula wareegayaan amniga dalka.
La wadaag



