calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Ciyaaraha

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee  FIFA Congress
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress — SONNA
Vancouver-Canada –(SONNA)-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa ka mid noqday 54 guddoomiye oo ka socday xiriirrada kubadda cagta Afrika, kuwaas oo ka qayb galay shir istiraatiiji ah oo heerkiisu  sareeyo. Shirkan muhiimka ah oo ka dhacay magaalada Vancouver ee dalka Canada, hordhacna u ah Shirweynaha 76-aad ee  FIFA Congress oo dhawaan furmi doona, ayaa waxaa si wadajir ah u hoggaaminayay Madaxweynaha CAF, Patrice Motsepe iyo Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino. Wuxuuna noqday madal hoggaamiyeyaasha kubadda cagta Afrika ay si toos ah ula falgalaan madaxda ugu sarreysa ee kubadda cagta caalamka. Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray horumarinta qaab dhismeedka kubadda cagta, xoojinta hannaanka maamul wanaagga, iyo ka faa’iidaysiga fursadaha kobaca ee xiriirrada xubnaha ka ah CAF. Arrimahan ayaana qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo lagu doonayo in lagu hormariyo kubadda cagta Afrika. Ka qaybgalka  Guddoomiye Cali Shiine ee shirkan muhiimka ah, ayaa muujinaya doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee go’aan-qaadashada kubadda cagta caalamka, iyo dadaallada istiraatiijiga ah ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ugu jiro inuu ka dhex muuqdo hay’adaha CAF iyo FIFA.
La wadaag