calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Caalamka

Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo

Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo — SONNA
Muqdisho,(SONNA):- Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta martigeliyey kulan deg-deg ah oo looga hadlay xaaladda amniga Magaalada Baydhabo, kaddib weerar ay saaka kusoo qaadeen kooxo burcad ah oo doonayey inay qalqal geliyaan nabadgelyada magaalada. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga, dardargelinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga, iyo qaadista tallaabooyin adag oo looga hortagayo falalka kooxaha amni-darrada abuuraya. Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay kulanka ayaa bogaadiyey feejignaanta iyo geesinimada ciidamada amniga ee si deg-deg ah uga falceliyey weerarka, islamarkaana fashiliyey ujeeddooyinkii kooxahaasi. Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu adkeeyey sii wadista dadaallada lagu xaqiijinayo amniga Baydhabo iyo ilaalinta shacabka, iyadoo la xoojiyey isku-duubnida hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanka.
La wadaag