calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta
Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta — SONNA

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Buula Fulaay ee Gobolka Baay ku dilay 14 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, iyadoo ciidanku ay dul tageen qaar ka mid ah meydadkooda.

Ciidanka oo beegsaday fariisimo ay si qarsoodi ah uga sameysteen deegaanka ayaa sidoo kale hawlgalka kusoo furtay hub fara badan.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku ciribtirayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, ku sugayaan amniga, isla markaana ku xasilinayaan guud ahaan dalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bogaadinayaan geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada, waxayna mar kale adkaynayaan in hawlgallada lagu ciribtirayo argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo nabadda, xasiloonida iyo amni waara oo ka hirgala guud ahaan dalka.

FB_IMG_1788599368116.jpg

FB_IMG_1788598468059.jpg

FB_IMG_1788598471942.jpgFB_IMG_1788598472882.jpg

La wadaag