calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Wasiirka Waxbarashada oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Aljeeriya ee Soomaaliya

Wasiirka Waxbarashada oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Aljeeriya ee Soomaaliya
Wasiirka Waxbarashada oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Aljeeriya ee Soomaaliya — SONNA

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, Dr. Maxamed Caalim.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga waxbarasho ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya, gaar ahaan sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada waxbarashada iyo tacliinta sare.

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa Dowladda Aljeeriya uga mahadceliyey taageerada iyo xiriirka wanaagsan ee ay la leedahay Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinaca waxbarashada oo laf-dhabar u ah horumarka iyo mustaqbalka labada shacab.

FB_IMG_1788692979282.jpgFB_IMG_1788692973175.jpgFB_IMG_1788692968752.jpg

La wadaag