calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Ciidamada Qalabka sida oo jab xooggan gaarsiiyay kooxda khawaarijta oo soo weerartay magaalada Baydhabo

Ciidamada Qalabka sida oo jab xooggan gaarsiiyay kooxda khawaarijta oo soo weerartay magaalada Baydhabo
Ciidamada Qalabka sida oo jab xooggan gaarsiiyay kooxda khawaarijta oo soo weerartay magaalada Baydhabo — SONNA

Muqdisho-(SONNA)-Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa waaberigii hore ee saaka magaalada Baydhabo ku jabiyey Huwanta Argagixisada oo weerar naf lacaari ah ku soo qaaday magaalada, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS.

Ciidamadu waxay si geesinimo leh uga hortageen weerarka oo ku billowday qaraxyo la doonayay in lagu argagax geliyo shacabka, waxayna jab xooggan gaarsiiyeen malleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.

Waxaa hadda socda qiimeyn lagu xaqiijinayo khasaaraha gaaray maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, waxaana dib kasoo gudbi doonaa faahfaahin rasmi ah lala wadaagi doono shacabka, marka qiimeyntaas la soo gabagabeeyo.

La wadaag