calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xafiiskiisa ku qaabilay Diblomaasi Qaasim Axmed Nuur

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xafiiskiisa ku qaabilay Diblomaasi Qaasim Axmed Nuur
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xafiiskiisa ku qaabilay Diblomaasi Qaasim Axmed Nuur — SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay diblumaasi hore Mudane Qaasim Axmed Nuur. Kulanka ayaa looga hadlay kaalinta qurbajoogta Soomaaliyeed ee horumarinta dalka.

Qaasim Axmed Nuur ayaa adkeeyay muhiimadda ay qurbajoogtu u leeyihiin dib-u-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan aqoonta, khibradda iyo maalgelinta ay dalka ku soo kordhin karaan, isagoo bogaadiyey horumarka ka socda dalka.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda xoojinta xiriirka dowladda iyo qurbajoogta, si looga faa’iideysto awooddooda iyo khibraddooda, loogana qayb geliyo horumarinta iyo mustaqbalka Soomaaliya.

La wadaag